Sadiq Khan oo ah nin muslim ah ayaa ku guuleystay xilka Gudoomiyaha Magaalada London ee dalka Ingiriiska kadib doorasho ka dhacday dalkaas.
Xisbiga Shaqaalaha ee dalka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in musharaxooda Gudoomiyaha Magaalada London uu ku guulaystay, Sadiq Khan oo ah nin muslim ah oo haysta dhalashada dalka Ingiriiska.
Sadiq oo 45 jir ah, ayaa ka mid ah 8 carruur ah oo ay dhaleen qoys kasoo guuray dalka Pakistan. Aabihiisa waxa uu ahaa darawal bas, hooyadiina waxa ay ka shaqeyn jirtay harqaan.
Dadka muslimiinta ee ku nool Magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa si weyn usoo dhaweeyay qaabka uu sadiq khan ugu guuleystay Gudoomiyaha Magaalada London.








