Ciidamada Liyuu Booliska ee Ismaamulka Soomaalida Ethoipia oo Wali Afduub u Haysta dad Shacab ah+Dhageyso

0

Ciidamada Liyuu Boolis ee Ismaamulka Soomalida Ethopia ayaa wali afduub ahaan waxa ay u heystaan dad shacab ah oo ay ka afduubteen deegaanka Dacdheer ee Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Dhulka soomaliya.

Mid kamid ah dadka deegaanka  Dacdheer ee Gobolka Galgaduud oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan jirin dad shacab ah oo ay soo daayeen ciidamada Liyuu Booliska oo dhawaan si maxaabis ahaan loogu qabsaday dagaalkii ka dhacay deegaanka Dacdheere ee Gobolka Galgaduud.

Heshiiskii ay dhawaan wada gaareen maamulada Ismaamulka soomalida iyo Galmudug waxaa ku jiray in lasii daayo dad shacab ah  oo si maxaabis ahaan ay gacanta ugu dhigeen ciidamada Liyuu Boolis.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here