Maamulka Degmada Buulo burde oo ka Hadlay Nin lagu Gowracay Gudaha degmadaas.

0

Rag  ka Tirsan kuwa  Xarakada al-shabaab ayaa lagu eedeeyay In deegano hoostagga Degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan ay ku gowraceen nin la sheegay in uu kamid ahaa dadka deeganka.  Degmada Buulo Burde,

Maamulka Degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay  in rag ka tirsan Shabaab ay  si xun u gowraceen Sheekh si weyn looga yaqaanay deegano hoostagga Degmada Buulo burde. Ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Degmada  Buulo burde ee Gobolka Hiiraan. C/casiis Duurow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in rag ka tirsan al-shabaab ay gowraceen nin sheikh ah oo lagu magacaabi jirey Sheekh C/laahi Sheekh C/casiis.

C/casiis Duurow  Guddoomiyaha Degmada  Buulo burde ee Gobolka Hiiraan.  waxa uu Tilmaamay  in arintaan Gowraca  ay dad badan ka naxeen wuxuuna al-shabaab ku eedeeyay in ay arintaas ka dambeeyeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here