Dowlada lithuania ayaa ku dhawaaqday in ciidamo iyo maraakiib dagaal ay u soo direyso soomaaliya, kuwaaasi oo ka qeyb qaadanaya howlgalka lagula dagaalamo burcad badeeda soomaalida.
Wasiirka difaaca dalka lithuania juwaz olekas ayaa ka sheegay kulanka ay midowga yurub uga hadlayeen qatarta burcad badeeda soomaalda oo ka dhacay dalka biljimka xaruntiisa baraasalis.
waxaa kaloo dowlada luthuania ay sheegtay in ciidankaasi ay la dagaalami doonaan tahriibinta iyo argagaxisada Qaarada afrika.
Ilaa iyo 16 waddo oo hada ay isticmaalaan maraakiibta u shaqeeya barnaamijka cuna aduunka ee WFP ayaa ciidankeena ay ilaalin doonaan ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda dalka lithaunia juwaz olekas.
Ciidankaan loo soo diraayo soomaaliya ayaa dowlada lithuania ay tira ahaan sheegtay in ay gaarayaan 115 askari.
Bishii december ee sanadkii 2015 baarlamaanka dalka lithuania ayaa ansaxiyey in dalalka soomaaliya iyo maali la geeyo 40 maraakiibta dagaalka ah.
Biyaha soomaaliya ayaa waxaa kusugan mraakiib dagaal oo ka socda dalalka dunida kuwaasi oo ku mideysan howl-galka la dagaalanka burcad badeeda soomaalida ee Atlanta kaasi oo la aas aasay sanadkii 2009-kii.

