Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya shir Jaraaid ku qabtay Garyaqaanka Guud ee dalka Cismaan Cilmi Guuleed, isagoona ka hadlay arimo badan.
Ugu horeyntii Garyaqaanka Guud ee dalka Cismaan Cilmi Guuleed, waxa uu ka Hadlay Dacwadii dhawaan laga Gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Somaliya. Mudane C/rashiid Cali Sharmarke oo ku aadaneed in in xukuumadiisa ay ku fashilmatay in ay dalka ka hirgaliso nidaamka axsaabta badan.
Mudane Cismaan Cilmi Guuleed waxa uu sheegay in dalka soomaliya aysan xiligaan ka jiran waxa la yiraahdo axsaab siyaasadeed oo sharci ah. sidaasi awgeedna Xisbiyada dalka ka jira aysan sharci aheyn. Xiligaan la joogo.
Dhawaan ayay aheyd markii Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Abukaate Ceydiid Ilka Xanaf, uu sheegay in loo soo gudbiyay Dacwad ay soo diyaariyeen Shaqsiyaad sheeganaya Asxaabta Siyaasada dalka Somaliya, dacwadaasi oo laga soo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Somaliya iyo Wasiirkiisa Arimaha Gudaha
Dhanka kale Garyaqaanka Guud ee dalka Cismaan Cilmi Guuleed, ayaa ka hadlay Go’aankii ay maxkamada ka qaaday isqabqabsigii u dhaxeeyay Hogaanka ururka Suxufiyiinta qaranka soomaliyeed ee Nusoj.
Cismaan Cilmi Guuleed, waxa uu Tilmaamay in uusan dhaqan gali doono xukunta ay maxkamada dhawaan qaatay isagoona sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono arinta ka dhaxeysa Hogaanka Nusoj.

