Rag ka Tirsan kuwa Xarakada al-shabaab ayaa lagu eedeeyay In deegano hoostagga Degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan ay ku gowraceen nin la sheegay in uu kamid ahaa dadka deeganka. Degmada Buulo Burde,
Maamulka Degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in rag ka tirsan Shabaab ay si xun u gowraceen Sheekh si weyn looga yaqaanay deegano hoostagga Degmada Buulo burde. Ee Gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha Degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan. C/casiis Duurow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in rag ka tirsan al-shabaab ay gowraceen nin sheikh ah oo lagu magacaabi jirey Sheekh C/laahi Sheekh C/casiis.
C/casiis Duurow Guddoomiyaha Degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan. waxa uu Tilmaamay in arintaan Gowraca ay dad badan ka naxeen wuxuuna al-shabaab ku eedeeyay in ay arintaas ka dambeeyeen.

