Dowlada Australia oo lacago ugu deeqday Soomaliya

0

Dowlada wadanka Australia ayaa sheegtay in  ay  Lacago gaaraya $5 million ay   ugu deeqday dowlada Soomaliya

lacagta  ay bixineyso dowlada  Australia waxa ay ku sheegtay in ugu talagashay  wax ka qabashada xaaladaha  bini,aadan nimo ee aadka u daran kana jirta soomaaliya iyo sidoo kale colaadaha iyo abaarta ka jirta dalka Ethopia.

Australia waxaa kaloo ay sheegtay in ay dowlada soomaaliya ka taageeri doonto dib u dhiska qaranka soomaaliya oo mudda ka badan 24 sano burbursan.

Waxaan kaloo ka taageeri doonaa soomaaliya cunooyin, taageerada nafaqeed , caafimaadka iyo nadaafada ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay dowlada australia kaasi oo lagu qoray wargeyska australia kasoo baxa ee 9news la yiraahdo.

$10 million oo doolarka mareykanka ayaa australia, ay siin doontaa dalka Ethiopia oo ay ka jiraan abaaro daran.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here