Akhriso Warbixin ka Hadlaysa Weerarada Al-shabaab ay ka Geysteen Wadamada Soomaliya iyo Kenya

0

Islaamiyiinta ka dagaalama caalamka sida al-shabaab Boko-haram, miqlirbul islaamin Taliban iyo daacish ayaa sanadyadii lasoo dhaafay geystay weeraro qasaaro badan dhaliyay kuwaasi oo ka dhacay dalalka Soomalia, Kenya, Mali, Pakistaan, Syria iyo ciraaq.

Warbixintaan waxaan ku eegi doonaa Maanta weerarada al-shabaab ay ka geysteen soomaliya iyo Kenya kuwaasi oo dhaliyay qasaaro dhimasho iyo dhaawac inagoona kaliyah kasoo qaadan doona kuwaii ugu saameynta badnaa weerarada.

Al-shabaab waxa ay ka dagaalamaan wadanka dhaca bariga Africa ee soomaliya waxa  ay saldhigyo ku leeyihiin meelo kamid ah koonfurta dalka soomaliya , weeraro joogto ah ayay ku qaadaan wadanka dariska la ah soomaliya  ee Kenya oo ciidamo ka socda dalkaas ay ku sugan Yihiin soomaliya.

Sanadkii 2009-ka waxaa Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari kaasi oo lagu qarxiyay Hoteel lagu magacaabo Madiina oo xiligaas ay ku sugnaeyeen Mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada soomaliya ,

Qaraxa waxaa ku dhintay Mas;uuliyiin uu kamid ahaa wasiirka amniga ee xiligaas Omar Hashi Aden safiirkii Hore ee soomaliya u fadhiyay dalka Jabuuti Abdikarim Farah diplomaasiyiin iyo madax xiligaas ku sugneed Hoteelka Mas’uuliyada qaraxaas waxaa sheegtay al-shabaab,

October 4, 2011 waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay qarax aad u xoogan inta la xaqiijiyay waxaa ku nafwaayay  100-qof  uu badnaa ardey xiligaan ku sugneed wasaarada waxbarashada soomaliya xarunteeada ku taala Km4 Mas’uuliyada qaraxaas waxaa sheegtay al-shabaab,

27 March sanadkii 2015 waxaa weerar lagu qaaday Hoteelka Lagu Magacaabo Makka al-Mukarama hotel wereerka ayaa ku Bilowday isqarxin waxaa xigay dagaal dhaxmaray ilaalada Hoteelka Balse ragii weerarka soo qaaday waxaa u suurta gashay in ay gudaha u gaalaan Hoteelka,

Hoteelka waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiin dowlada soomaliya ka Tirsan waxaa gudaha hoteelka ka dhacay dagaal dhaxmaray ragii ka tirsanaa al-shabaab iyo ciidamada hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya  oo goobta soo gaaray xiligaas.

Mas’uuliyiinta goobta lagu dilay waxaa kamid ahaa La Taliyah wasiirka Haweenka Soomaliya, gabar ka Tirsaneed Bankiga dhexe ee soomaliya oo lagu magaacaabi jirey Farhiya Bashir Nur, Yusuf Mohamed Ismail (“Bari-Bari”), oo ahaa  safiirka soomaliya Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay Magaalada Geneva,  ee dalka Switzerland, in kastoo si dhaawac ahaan goobta looga qaaday balse saacado kadib waxaa la xaqiijiyay in uu geeriyooday,

Waxaa sheegtay weerarkaas al-shabaab inta la xaqiijiyay 28-qof ayaa lagu qaarijiyay weerarka ka dhacay Makka al-Mukarama hotel ee Magaalada Muqdisho in kastoo ragii weerarka soo qaaday la sheegay in isla goobta lagu dilay.

26 June 2015 rag ka Tirsan al-shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday xili aroor ah deeganka Leego ee Gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan saldhig ay deegankaas  ku lahaayeen ciidamo Midowga Africa ee amisom kuwaaso ka socda dalka Burundi,

Dagaalka ayaa ku bilowday qaraxyo iyo rasaas xoogan waxaa xigay hub culus ay isweedaarsadeen ciidamada Midowga Africa ee amisom ee ku sugnaa saldhiga leego ee Gobolka shabeelaha Hoose.

Al-shabaab waxaa u suurta gashay la wareegida saldhiga Leego ku yaalay maalmo kadib waxay soo bandhigeen tiro kamid ahaa askarta Burundi oo ay ku sheegeen in ay ku dileen weerarkii ka dhacay deeganka Leego sida uu xiligaas warbaahinta u sheegay sheikh cali Maxamuud Raage sheikh cali dheere.

June 28 isla sanadkaas Taliska Midowga Africa ee soomaliya waxa uu sheegay in ay dib ula wareegeen saldhiga deeganka leego ee Gobolka shabeelaha Hoose iyagoona ka saaray ciidamada alshabaab oo maalmo ka hor la wareegay. Xiligaas.

15 January 2016, ee sanadkaan al-shabaab waxa ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo waxaa weerarkaas lagu dilay askar badan oo ka Tirsanaa ciidamada Kenya.

Hogaanka al-shabaab waxa ay sheegeen in weerarkaas lagu dilay 100-askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya walaac waxaa arintaas ka muujiyay dowlada Kenya, beesha caalamka iyo waalidiinta caruurtooda kamid ahaa  askarta Kenya.

Diyaaradah Kenya ayaa fuliyay weeraro dhanka Cirka kuwaasi oo ay ku sheegeen in ay ugu aar gudanayaan askartii loogu laayay dagaalkii deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo ee kooonfurta dalka Soomaliya.

Isla sanadkaan 2016 waxaa weerar lagu qaaday Maqaayad ku taala xeebta liido ee degmada c/casiis ee Gobolka Banaadir waxaa weerar ku dhintay dad isku ehel ahaa, Mas’uuliyiin dowlada soomaliya ka tirsan, mas’uuliyadaas weerarkaas waxaa sheegtay al-shabaab oo barahooda ku soo dhigay in weerarkaas lagu dilay Mas’uuliyiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here