Dowlada wadanka Australia ayaa sheegtay in ay Lacago gaaraya $5 million ay ugu deeqday dowlada Soomaliya
lacagta ay bixineyso dowlada Australia waxa ay ku sheegtay in ugu talagashay wax ka qabashada xaaladaha bini,aadan nimo ee aadka u daran kana jirta soomaaliya iyo sidoo kale colaadaha iyo abaarta ka jirta dalka Ethopia.
Australia waxaa kaloo ay sheegtay in ay dowlada soomaaliya ka taageeri doonto dib u dhiska qaranka soomaaliya oo mudda ka badan 24 sano burbursan.
Waxaan kaloo ka taageeri doonaa soomaaliya cunooyin, taageerada nafaqeed , caafimaadka iyo nadaafada ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay dowlada australia kaasi oo lagu qoray wargeyska australia kasoo baxa ee 9news la yiraahdo.
$10 million oo doolarka mareykanka ayaa australia, ay siin doontaa dalka Ethiopia oo ay ka jiraan abaaro daran.

