Dowlada Kenya ayaa sheegtay in guddi ay u xil saartay bAarista in ciidanka qaranka soomaaliya ay ku lug lahaayeen weerarkii 15-kii bishaan lagu qaaday saldhig military oo ciidanka Kenya kula haayeen deegaanka ceel-cadde ee gobolka geddo.
Taliyaha ciidanka Kenya general Samson ayaa sheegay in guddi heer sare loo xilsaaray arinta ku aadan in ciidanka soomaaliya ay qeyb muhiim ah kula haayeen weerarkaasi dhacay .
Taliyaha waxaa uu sheegay in saacado uu socday weerarka ay ciidanka soomaaliya ka baxsadeen saldhigii ceel cadde ee la weeraray , waxaana uu intaasi ku daray in ay hayaan caddeemo ah wicitaanada taleefanada qaar ka mid ah askarta ciidanka soomaliya oo la soo wacay inta weerarka uu socday.
Waxaa kaloo taliyaha ugu sareeya ciidanka Kenya Samson uu sheegay in saldhiga darbiga Ceel-cadde laga tuurtay hub badan , taasi oo ay ku tuhmayaan ciidanka soomaaliya sida taliyaha uu sheegay.
Weerarkaasi oo alshabaab ay geesteen 15-kii bishaan ayaa ayaa la sheegay in ay ku dhinteen askar badan oo ka Tirsan ciidanka difaaca kenya , inkastoo alshabaab ay sheegteen in ay ku dileen 100 askari.

