Bankin Moon iyo Qaar kamid ah Madaxweynayaasha Afrika oo ka Wada hadlay Howl-galka Amisom.

0

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobe ban kin moon ayaa Maanta  kulan weyn  la qaatay madaxweynayaasha dalalka Kenya iyo Namibia . oo ku sugan Magaalada addis abba ee dalka Ethopia,

Kulanka labada madaxweyne uu la qaatay xoghayaha bankin moon ayaa looga hadlay howl-galka Midowga africa ee Amisom ee ka socda dalka soomaaliya.

Xoghayaha guud ee qaramada midoobe ayaa dowlada Kenya ku amaanay doorka muhiimka ah ee ay ka qadaaneyso howlgalka amisom waxaana uu ku tilmaamay in alshabaab looga adkaaday oo amisom ay la wareegeen dhul balaaran oo horay ay ugu sugnaayeen ciidanka Al-shabaab.

Dhanka kale Madaxweybnaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa isagana ku baaqay in la balaariyo howl-galka Amisom oo lagu soo kordhiyo dhinacyada cirka iyo badda  si looga adkaado Xarakada alshabaab.

Madaxweynaha Kenya waxaa kaloo uu sheegay in alshabaab ay badasheen qidadoodii dagaal ee horay ugu daagalami jireen.

Dhanka kale Madaxweynaha Namibia Mr Hage Geingob ayaa isagana boogaadiyey doorka ay qaramada midoobe ku leedahay xasilinta  wadamada qaarada afrika.

Goor dhaw ayaa madaxweynha soomaaliya isagana lagu wadaa in uu kulan la qaato xoghayaha guud ee qaramada midoobe Ban kin moon.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here