Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed oo La Kulmay Dhigiisa dalka Turky + Sawiro

0

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed Mudane  Maxamed sheikh Xasan Xaamud ayaa maanta magaalada Ankara ee dalka Turky Kula kulmay Taliyaha Booliska  dalka Turkiga, Celalettin Lekesiz.

Taliyaha Booliska Turkiga, Celalettin Lekesiz. Ayaa kaga Mahadceliyay dhigiisa dalka soomaliya safarka uu ku Yimid Magaalada Ankara isagoona sheegay in Taliska Booliska dalka Turky-ga uu mar walba diyaar u yahay Taageerida ciidamada booliska soomaliyeed iyo dib u dhiskooda, intaba.

Dhanka kale General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa waxaa uu dhigiisa kaga mahadceliyay taageerada uu Turkigu siinaayo Somaliya iyo midda uu iminka uu isagu u ballanqaaday Booliska Somaliyeed.

Maxamed sheikh Xaamud ayaa Mudooyinkii dambe safari ku tagayay qaar kamid ah wadamada caalamka isagoona kala hadlayay madaxda wadamadaas  sidii Loogu qeyb qaadan lahaa dib u dhiska ciidamada booliska Soomaliyeed,

Halkaa ka daawo sawirada

2b3e74c2 3d06d286 4c7c82b6 60a6106d 0473047e 4131815e ca4d44fe f2d44dde (1) f2d44dde

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here