Maxkamadda Magaalada Hargeysa oo Xukuntay dad Waday Barnaamij Shiiceyn ah

0

Maxkamadda Magaalada Hargeysa, ee Maamulka Soomali-land ayaa waxay maanta u fadhiisatay dhageysiga dacwad ciqaabeedka 4-qof  qof oo la sheegay in deeganada Maamulka soomali-land ay ka wadeen barnaamij shiiceyn ah,

Dadka Maxkamadda Magaalada Hargeysa ay xukuntay waxaa  ka mid ahaa  haweeney Magaceeda Lagu sheegay Xafsa, mid kalana goobta Maxkamaddu ma uusan joogin , halka eedeysanaha sadaxeed  ay wax dembi ihi ku weyday Maxkamadda. Eedeysanaha dembiga lagu waayay waxaa lagu magacaabaa Maxamed Cali Saciid.

Gudoomiyaha Maxkamadda Magaalada Hargeysa, C/rashiid Maxamed Xersi (Beergeel) oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in Maxkamada Magaalada Hargeysa ay Maanta oo Talaado u fadhiisatay dacwad loo haystay 4-qof oo la sheegay in ay wadeen barnaamij shiiceyn ah

Maxkamadda, ayaa waxay xukuntay Mohamed Razak Hussein iyo Hashim Ukera oo u dhashay dalka Pakistan iyo haweeney magaceeda lagu soo koobay Xafsa, oo deegaan ahaan ka soo jeeda Koondurta Somaliya..

Gudoomiyaha Maxkamadda Magaalada Hargeysa, C/rashiid Maxamed Xersi (Beergeel) oo xukunka kadib warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in deeganada Maamul Somali-land ay lagu arki Karin dad wada Barnaamij shiiceyn ah, cidii lagu arkana la xukumi doono.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here