Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed Mudane Maxamed sheikh Xasan Xaamud ayaa maanta magaalada Ankara ee dalka Turky Kula kulmay Taliyaha Booliska dalka Turkiga, Celalettin Lekesiz.
Taliyaha Booliska Turkiga, Celalettin Lekesiz. Ayaa kaga Mahadceliyay dhigiisa dalka soomaliya safarka uu ku Yimid Magaalada Ankara isagoona sheegay in Taliska Booliska dalka Turky-ga uu mar walba diyaar u yahay Taageerida ciidamada booliska soomaliyeed iyo dib u dhiskooda, intaba.
Dhanka kale General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa waxaa uu dhigiisa kaga mahadceliyay taageerada uu Turkigu siinaayo Somaliya iyo midda uu iminka uu isagu u ballanqaaday Booliska Somaliyeed.
Maxamed sheikh Xaamud ayaa Mudooyinkii dambe safari ku tagayay qaar kamid ah wadamada caalamka isagoona kala hadlayay madaxda wadamadaas sidii Loogu qeyb qaadan lahaa dib u dhiska ciidamada booliska Soomaliyeed,
Halkaa ka daawo sawirada










