Booliiska Soomaaliya oo Muqdisho Kusoo Bandhigay 24 dhalinyaro

0

Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa howlgalo ay ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho kusoo qabqabtay 24 dhalinyaro ah oo ku eedeysan iney rabshado ka sameyeen Shalay galab garoonka kubbada Cagta Eng. Yariisow ee magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradaan ayaa la sheegay in garoonka Eng. Yariisow oo ay Shalay galabta ka socotay ciyaar ka tirsaneyd tartanka degmooyinka gobolka Banaadir oo dhexmareysay Kaaraan iyo Wadajir iney sameeyeen falal lidi ku ah amaanka.

“Waxaa caawa fiidkii Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Qeyta Guud ee Boliiska Gobalka Banaadir lagu soo qabtay eedeysanayaal ciyaal wareero ah, oo gaaraya 24 dhalinyaro ah kuwaasoo galabta Garoonka ciyaaraha Eng Yariisoow ka geestay falal ammniga liddi ku ah, kana baxsan xeerarka taageerayaasha ciyaaraha” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here