Fiqi “Masar iyo Eretariya waxaan ka wada hadalnay gardarrada Itoobiya

0

Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sharaxaad ka bixiyay kulamo uu la qaatay Wasiiradda dhigiisa ee dalalka Masar iyo Eretariya.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in kulamadii uu la qaatay Wasiirada arrimaha Dibadda Masar iyo Eretariya iney uga wada hadleen xadgudubka dowladda Itoobiya kula kacday madax banaanida Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dalalka Masar iyo Eretariya ay qireen xadgudubka Itoobiya ku hayso Soomaaliya.

“Masar iyo Eretariya waxaan kawada hadalnay gardarrada Itoobiya Dalkeenna ku sameysay, kulamada aan wada galnay ee muhiimka ah waxaa kale oo aan uga wadahadalnay xaaladda ay bariga Afrika” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.

Dhawaan ayay aheyd markii uu Wasiir Fiqi uu ka jeediyay shirka golaha amaanka Qaramada Midoobay khudbad uu si weyn ugu dhaliilay dowladda Itoobiya oo uu sheegay iney kusoo xadgudubtay Madaxbannaanida, Wadajirka iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya in ciidamo la geyn doono dhamaan deegaanada xadka ay kala wadaagto Soomaaliya dalka Itoobiya, si loo xoojiyo amniga qaranka, loogana hortago hubka sharci darrada ah ee dalka soo galiso Itoobiya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here