Puntland oo Ka Hadashashay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

0

Maamul goboleedka Puntland oo aanan qeyb ka aheyn shirka golaha wadatashiga Qaranka ee ka socda maalintii afaraad magaalada Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aan uu madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ka qaatay shirka golaha Wadatashiga Qaranka.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Lugatoor oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu boggaadinayo go’aanka uu madaxweynaha Jubbaland ku diiday in Puntland ay kasii maqnaato shirarka golaha wadatashiga Qaranka.

“Waan bogaadinayaa Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe mawqifka uu ka istaagay shirka Xamar sida uu u diiday maqnaanshaha Puntland iyo Khaatumo” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Lugatoor.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here