Dowladda Soomaaliya oo Sheegay in Shabaab Lagala Wareegay Wabxo

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dadka Deegaanka ay la wareegeen deeggaanka Waxbo ee gobolka Galgaduud oo muddo 15 sanno ka badan ay gacanta ku hayeen Al-shabaab.

Gen. Cabdullaahi Cali Caanood Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS ayaa sheegay in ciidanka xoogga ay sidoo kale la wareegeen, deeggaannadda Warxoole, Ceelboore iyo Ceelgoro  oo katisan Gobolka Galgaduud.

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay ka sameeyeen howlgallo miino baaris ah degaannada, Wara-gibile, Ceelgorof, Wara-dhuumale, degaannadaas oo u dhaxeeya degmooyinka, Ceelbuur, guriceel & tuulada Bukur oo katirsan gobolka Hiiraan.

Deeggaanka Waxbo ee gobolka Galgaduud ayaa Al-shabaab u ahaa saldhig Muhiim ah oo ay ka difaaceen Degmo ay ka mid tahay Ceel-buur ee isla Gobolka Galgaduud.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here