Al-shabaab ayaa ka digay in loo adeegsado Magaca (Khawaarij) oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay amartay in loogu yeero Magacaas,wixii xiligaan ka dambeeya.
Afhayeenka Al-Shabaab oo la hadlayay warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegay in aan loo adeegsan Karin magaca “Khawaarij” ee dowladda federaalka Soomaaliya ay shaacisay– iyada oo ku tilmaamay erey meel ka dhac ah oo macneheedu yahay koox qalloocan oo xag-jir ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mamnuucday adeegsiga magaca Al-Shabaab, waxayna shacabka ka codsatay in Al-Shabaab loogu yeero “Khawaarij”.
Afhayeenka Al-Shabaab Maxamuud Cali Raage (Cali Dheere) ayaa sheegay in adeegsiga eraygaasi uu qeyb ka yahay dacaayadaha ay dabada ka riixayaan wadaado taageersan dowladda Federaalka Soomaaliya,sida uu hadalka u dhigay.
War-saxaafadeed dhawaan kasoo baxay Wasaaradda Diinta Awqaafta Dowladda Soomaaliya ayaa lagu amray in magaca Al-shabaab aan la adeegsan Karin,balse taasi badalkeeda la adeegsan doono magaca Khawaarij.

