Gudoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali yare Cali),ayaa soo jeediyay in beel gaar ah lagula xisaabtamo amniga Magaaladda muqdisho Caasimadda Soomaaliya iyo guud ahaan Soomaaliya.
Isagoo ka qeyb galayay barnaamij dood wadaag ah ayuu tusaale usoo qaatay Maamuladda dalka ka jira amnigooda lagula xisaabtamo qabiilka xiligaas taladda haya.
Maamuladda Somaliland iyo Puntland,Koonfur Galbeed Soomaaiya ayuu sheegay in amni,horumar iyo dib u dhac lagala xisaabtamo Qabiiladda xiligaas taladda haya,loona baahan yahay in taladaas la qaato.
Gudoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in qaraxyadii dhawaan ka dhacay Magaaladda Muqdisho ay ku dhinteen 220-ruux dad ku dhow ayna yihiin dad kasoo jeedo qabiilo kala duwan,balse hadii qabiil gaar ah loo dhiibi lahaa amniga dalka lagula xisaabtami lahaa.
Magaalada muqdisho oo ah caasimadda dalka ayaa waxaa saldhig ay u tahay dhinacyo badan oo ka shaqeeya amniga,balse taasi ma aysan baajinin qaraxyadda iyo weeraradda ka dhaca Magaaladda.

