Wiil La Dhashay Gudoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee BFS oo Muqdisho Lagu Dilay

0

Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd Degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Wiil dhalinyaro ahaa.

Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Kaaba-godey oo ka Tirsan Degmadda Wadajir.

Kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa la sheegay in ay toogteen wiilka dhalinyaradda ahaa oo lagu magacaabi jirey Abdiraxmaan Cumar Abshirow oo la dhashay Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal wiilka la dilay ayaa la sheegay in uu ka yimid goob lagu almiiteeyo subixii,islamarkaana la dilay isagoo ku nasanaayo gurigii uu daganaa hortiisa.

Ragii ka dambeeyay dilka ayaa isaga baxsaday goobta uu dilka ka dhacay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here