Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay qaraxyadii iyo dagaalkii saakay Deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in milatariga Soomaaliya iyo Dadka degaanka ay Al-Shabaab ku jabiyeen dagaal ka dhacay deegaanma Qaayib ee degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud.
General Cabdullaahi Cali Caanood Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sidoo kale warbaahinta Dowladda u sheegay inay khasaaro gaarsiyeen Al-Shabaab.
Ilaa haatan lama shaacinin khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Deeganaka Qaayib ee Gobolka Galgaduud.

