Weerar Qaraxyo Ku Bilowday oo Lagu Qaaday Deegaanka Qaayib

0

Qaraxyo ismiidaamin ah iyo dagaal toos ah ayaa saakay ka dhacay Deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud ee Dowladd Goboleedka Galmudug.

Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka Tirsan Maamulka Galmudug,gawaari qaraxyo laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay fariisimaha ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Deegaanka Qaayib,waxaana xigay dagaal toos ah oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiisha ciidamadda ayaa sheegay in qorshaha shabaab uu ahaa in qaraxyadda iyo dagaalka kadib in ay la wareegaan deegaanka,balse laga difaaacay.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud ee Dowladd Goboleedka Galmudug.

Qaayib ayaa kamid ah deegaanada ka tirsan Galmudug ee dhawaan laga qabsaday dagaalyahanadda Al-Shabaab, iyadoo Shabaab ay sidan oo kale hore u soo qaaday weerar dib looga riixay magaalada.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here