Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle oo Hakisay xulayaasha kursiga HOP#135.

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Maamulka Hirshabeelle ayaa hakisay xulayaasha kursiga tirsigiisu yahay HOP#135.

Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii xalay Page-ka Guddiga doorashooyinka Hir-shabeelle lagu baahiyay warqad lagu sheegay odayaasha Soo xulaya Ergadda Doorashadda Kursiga HOP135.

Kursigaan ayaa waxaa ku fadhiysay afartii sano aynu soo dhaafnay Xildhibaan Aamina Maxamed,waxayna dagaal adag kala kulmaysaa xiligaan Madaxtooyadda Soomaliya iyo Madax ka Tirsan Hir-shabelle.

Madaxweynaha Hir-shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in doorashadda kuraasta taala Magaaladda Baladweyne ay noqon doonaan kuwa si daahfuran loo qabto doorashooyinkooda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here