Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hoggaaminayan wefti sare oo ka socda Somaliland, ayaa toddobaadkan la kulmay saraakiil sar-sare oo ka tirsan maamulka Madaxweyne Biden iyo xubno ka tirsan Congress-ka inta uu ku gudo jiro socdaalkiisii u horreeyey ee Madaxweyne ka socdaa ku tago Maraykanka tan iyo 2013kii.
Wada-tashiyo isdaba joog ah oo ay yeesheen masuuliyiin ka socda Somaliland iyo Maraykanku waxay isku waafaqeen inay yeeshaan iskaashi qoto-dheer oo ay bahwadaag ku yihiin hadafyada ay wadaagaan oo ay ka mid yihiin; ilaalada xeebaha, ka hortagga argagixisada, kaalmada bini’aadanimo, ilaalinta deegaanka iyo in kor loo qaado Ganacsiga.
Aqalka Wakiillada, waxa madaxweyne Biixi dedaal u galay in la adkeeyo Xiriirka iyo masaalixda labada dhinac, taasoo keentay in 14, March Guddida Arrimaha Dibadda ee Congress-ka iyo xubno sare oo ay ka mid ahaayeen Michael McCaul (R-Taxes), Guddida Afrika, caafimaadka caalamiga ah iyo Guddi hoosaadyada xuquuqda aadanaha xubno sare oo ka mid ah Chris Smith iyo qaraar ay soo saareen 8 Xildhibaan oo qoraal u diray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken, waxay xildhibaannadaasi ku booriyeen in Maraykanku cilaaqaad la yeesho .
Waxa kaloo ay bayaankooda ku sheegeen xiriirka Somaliland la leedahay Taiwan iyo in Maraykanku kor u qaado fursado dheeraad ah oo dhaqaale oo uu la yeesho Somaliland.”
Sharciga iskaashiga lagula yeelanayo Somaliland wuxuu jidaynayaa in Wasiirka Arrimaha Dibaddu uu qiimeeyo qoddoban:-
- Kaalmada Maraykanku siiyey Somaliland
- In adeegyo qunsuliyadeed la siiyey Somaliland iyo
- In qiimeyn dhinaca ammaanka la xidhiidha, talooyinka socdaalka Maraykanka iyo muwaadiniinta doonaya inay booqdaan si ay ganacsi uga sameeyaan Somaliland.
- Fursado ku wajahan in Maraykanku uu tababaro Laamaha ammaanka ee Somaliland.
- In laga aasaaso magaalada Hargeysa
Madaxweyne Biixi Wadahadallada uu la yeeshay masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan maamulka Biden, taasi oo ay dhammaystirayso danaha ay tilmaameen Congresska ka tirsani. Waxa labada dhinac isku raaceen in la hirgeliyo kooxo ka wada shaqeeya horumarinta iyo isku xidhka iskaashiga.
Madaxweyne Biixi wuxuu hoosta ka xariiqay inuu iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka kaga hadlay khudbadii uu 14-kii March ka jeediyey The Heritage Foundation. Guddoomiyaha The Heritage Foundation Kevin Roberts ayaa Maraykanka ku booriyey aqoonsiga Somaliland “Maraykanku waa inuu noqdaa dalka kowaad ee Somaliland u aqoonsada dal madax-bannaa.”

