Mareykanka oo Sheegay in Hal Siyaasadeed uu Ku Wajahayo Soomaaliya

0

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya,islamarkaana ay qeyb ka tahay hal siyaasadeed oo Mareykanka u u ku wajaho Soomaaliya.

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka  oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay in safarka Madaxweyne Muuse Biixi ee Mareykanka uusan ka turjumeynin in Somaliland uu mareykanka aqoonsaday.

“Waxaan soo dhoweynay fursadda aan kula kulmay maanta Muuse Biixi Cabdi oo aan uga wada-hadalnay xoojinta la macaamilka Mareykanka ee Somaliland ayada oo la raacayo siyaasaddeena midda ah ee Soomaaliya,” waxaa sidaas qoraal ay twitter soo dhigtay ku tiri kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha Afrika Molly Phee.

Dhanka kale Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa shalay sheegay in safarka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee Washington uusan waxba ka beddeli doonin mowqifka dowladdiisa ee ku wajahan Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here