Magaaladda Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa lagu soo gaba-gabeynayaa doorashada Xildhibaanadda Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ilaa 7-kursi oo ah kuraastii ugu dambeysay ayaa lagu qabanayaa Magaaladda Baydhabo.
Kuraasta maanta lagu dooranayo Magaaladda Baydhabo ayaa kala ah HOP181, Hop204, HOP197,HOP179,HOP164,HOP172, HOP047.
Xubnaha kuraastaan u tartamaya ayaa kala ah Mahad Abdirahmaan Aadan, Taliyaha Ciidamadda asluubta Soomaaliyeed, horey usoo noqday Taliyaha ciidamadda Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kursigaan waxaa lagu waday in uu u tartamo Madaxweynaha Maamulka Kooonfur Galbeed SOomaaliya C/casiis Xasn Maxamed (Lafta Gareen),balse waxaa la sheegay in uu ka tanasulay damacaas.
Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa noqonaya maamulkii labaad ee soo dhameystira doorashada Xildhibanadda Golaha shacabka iyo aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

