Larry André:-“Tilaabooyin ayaan Qaadi Doonaa, Hadaan La Dhameytirin Doorashadda”,!

0

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay talaabadda ay qaadi doonto, maanta oo ah Talaado hadii lagu soo dhameystiri waayo, xildhibaanada harsan ee golaha shacabka.

Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa soo bandhigay talaabooyinka ay qaadayaan hadii maanta.

Waxa uu sheegay Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry André iney jiri doonaan shaqisyaad hor leh oo ay ku dari doonaan liiska dadka  ay u diidayaan markii ay dalbadaan dal ku galka Mareykanka ama laga joojin doono helitaanka Fiisooyinkii horey ugu dalbanaa.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in maanta ay rajeynayaa in lasoo gaba-gabeeyo kuraasta ka harsan golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Maanta oo talaado ayaa ah maalinta ugu dambeysa ee lagu heshiiyay in lasoo gaba-gabeeyo doorashadda Xildhibaanadda golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here