Lafta Gareen oo Sheegay in Ciidamadda Dowladda ay geystaan Dilalka Baydhabo

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), ayaa sheegay in dilalkii ka dhaca Magaaladda  Baydhabo ay lug ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Madaxweyne in kii shalay loo geystay siyaasi hore Cali aadan Margus ay ka dambeeyeen ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda oo ka howlgala Magaaladda Baydhabo.

Madaxweyne Lafta gareen ayaa amar ku siiyay saraakiisha Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay gacanta kusoo dhigaan ciidamadii ka dambeeyay dilkii Ganacsade caan ah oo shalay lagu dilay duleedka Baydhabo.

“Kuwa dilalka iyo dhibaatada geystay ee sida xun u fikiraya waa kuwo ka tirsan ciidamada Dowladda, in umadda ay dib ugu soo noqdaan oo dhib u geystaan waa wax aan la aqbali karin,”ayuu yiri Madaxweynaha Koofur Galbeed.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here