Dowladda Soomaaliya oo La Sheegay in ay Heshiis La Tahay Shabaab+Dhageyso

0

Odayaal si weyn u taagersan madaxweynaha wakhtigiisu dhamaaday ee jubba-land Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa dowladda soomaaliya ku eedeeyay isku dirka shacabka iyo madaxda Jubba-land.

Odayaashaan oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in dowladda soomaaliya ay baal martay dastuurkii KMG ahaa ee umadda u yaalay ayna doonayso in ay si sharci daro ah ku maamusho doorashadda Jubba-lan.

Dowladda ayaa waxaa ay ku eedeeyeen in ay horay duulaan adag uga qaaday maamulada KGS Iyo Galmudug ayna bur burisay si la mid ahna jubb-land ay doonayso in ay wadada marsiiso.

Sidoo kale waxgaradkaan ayaa dowlada soomaliya ku eedeeyey in ay heshiis la tahay al-shabaab Balse ay dagaal adag kula jirto jubba-land ayna ku guul dareysatay xaqiijinta amaanka magaalada muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here