Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay isku soo dhiibeen Labo Xubnood oo ka Tirsanaa Xarakadda Al-shabaab.
Qoraal kasoo baxay Hay’adaha amaanka Jubbaland ayaa lagu sheegay in labadda xubnood oo saakay lasoo bandhigay ay xiriiro lasoo sameeyeen Maamulka.
Geedi Maxamed Cali oo kamid ahaa Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka ammaanka degmadda Af-Madoo,waxaana uu kamid ahaa Al-Shabaab mudo fog, gaar ahaan ragga Jabhadaha loo yaqaan.
Cabdi Casiis Maxamed Muxumed oo kamid ahaa Al-Shabaab loogana dhex yaqaano shabaab magaca (Iidle) ayaa saakay isku soo dhiibay ciidanka ammaanka Jubbaland ee degmadda Af-Madoow.




