Mareykanka oo War Kasoo Saaray Duqeyn uu Ka Fuliyay Maalintii Ciida Torotoorow

0

Dowladda Mareykanka ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal dhanka cirka ah oo ay ka fulisay koonfurta Somalia gaar ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliska howlgallada Mareykanka ee qaaradda Africa magaciisana loo yaqaan Africom ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaanka Torotorow ee gobolka shabeelaha  Hoose islamarkaana ay dhacday 5- bishan June.

Mareykanku waxa uu sheegay in duqeyntan lagu dilay ugu yaraan hal sarkaal oo ka tirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab, waxa uuna intaas raaciyey is howlgalku ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Mareykanka.

Qoraalka Africom waxaa kaloo lagu sheegay in duqeyntan aysan waxyeelo kasoo gaarin dadka shacabka ee ka agdhawaa goobta duqeynta ka dhacday.

Mareykanka ayaa kordhiyey duqeymaha uu ka fuliyo sanadihii dambe waxa uuna sheegay in duqeymahan ay qeyb ka yihiin taageerada uu siiyo dowladda Federaalka Somaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here