Maxkamadd Ku Taala Mareykanka oo 12-sano oo Xabasi Ku Xukuntay Sarkaal Soomaali Mareykan ah

0

Maxkamadda ku taallo gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa xukun xabsi ah ku riday Maxamed Noor oo ah sarkaal ka tirsan police-ka Mareykanka asal ahaana kasoo jeedo dalka Somalia.

Maxamed Noor oo 33 jir ah ayaa lagu xakumay 12 sano iyo 6 bilood oo xarig ah kadib markii uu toogtay sanadkii 2017 haweeney aan hubeysneen oo u dhalatay dalka Australia oo lagu magacaabo Justine Ruszczyk Damond.

Haweeneydaan u dhalatay Australia xilliga uu tooganayey Maxamed Noor waxa ayaa dooneysay in ay police-ka ku wargeliso macquul ahaanshiyaha uu dambi xad gudub dhanka jinsiga ah kaga dhici karo guri deris la ahaa guriga ay ku nooleed.

Goobta ay maxkamadeynta sarkaalkan waxaa soo xaadiray oo goob joog ka ahaa maxkamadeyntiisa aabaha dhalay Ms Damond, ninka ay u dooneed iyo qaar kamid ah jaaliyadda somaalida Mareykanka.

Maxamed Noor ayaa maxkamadda horteeda raali gelin ka siiyey ehalada gabadha uu toogtay waxa uuna sheegay inuu ku dhacay qalad weyn oo uu xasuusnan doono inta uu nool yahay.

Aabaha dhalay haweeneydan Australian-ka ah oo lagu magacaabo John Ruszczyk ayaa dilka loo geystay gabadhiisa ku tilmaamay mid sharciga baal marsan islamarkaana uu noloshiisa ka dhigay mid qabyo ah.

Dhanka kale Justine Ruszczyk Damond gacaliyaheeda Don Damond ayaa gudaha maxkamadda ka aqriyey qoraal dheer oo uu kaga hadlayey qorshahooda mustaqbalka iyo sida ay dadka u caawin jireen isaga iyo saaxibadiisa la toogtay.

Maxamed Noor ayaa waxa uu noqonayaa sarkaalkii ugu horeeyey ee ka tirsan police-ka Mareykanka kaasoo loo maxkamadeeyso dil uu u geystay qof aan hubeysneen, waxaana bishii April ee sanadkan xeer beegti ka kooban 12 shaqsi ay ku heleen dambi ah inuu geystay dilkan wallow uusan aheyn mid u dhacay si bareer ah.

Jaaliyadda ayaa xukunkan ku tilmaamtay mid cadaalad darro ah, waxa ay sheegeen in maxamed loo beegsaday midabkiisa iyo diintiisa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here