Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay diidan yihiin Gobolka Banaadir Maqaam gaar ah yeesho.
Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay yihiin caqabadda hortaagan Maamul uu yeesho Gobolka banaadir.
Waxa uu sheegay in dhowr jeer la isku dayay in Maamul loo sameeyo Gobolka Banaadir oo haatan hoostaga Dowladda dhexe,balse lagu fashilmay sida uu sheegay.
Ugu dambeyntii waxa uu ka codsaday Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan Maamul uu yeesho Banaadir, si lamid ah Maamulada dalka ka jira.

