Somali-land oo u Hanjabtay Ciidamo iyo Askar u Goosatay Dhanka Puntland+Dhageyso

0

Wasiirka gaashaandhiga somaliland Ciise yuusuf xawar oo fariin u dirayay saraakii iyo askar ka tirsanaa ciidanka Somali-land oo maalmalo ka hor u goostay dhanka puntland, ayaa sheegay inay marayaan maxkamad.

Shirjaraa’id uu hargaysa ku qabtay ayuu wasiirka gaashaandhiga Somaliland Ciise Axmed Yuusuf (Xawar)  ku sheegay in ciidankooda ay dadaal ku bixinayaan sidii ay gacanta ugusoo celinlahaayeen saraakiisha iyo askarta aaday dhanka mamulka puntland.

Wasiirka gashandhiga somaliland ayaan sarakiisha iyo askarta goosatay ku eedeeyay inay usoo jeesteen duminta iyo qalalaaso galinta somaliland, talaabo maxkamadeedna ay mari doonaan marka ugu horaysa ee gacanta somaliland so galaan.

Sarakiisha iyo askarta u goosatay dhanka puntland ayaa tiradoodu ka badabtahay dhowr boqol oo askari iyo laba sarkaal oo xilal sarsare ka hayay ciidanka somaliland.

Arinta gosashadooda ayaa wararka qaar ay sheegayaan inay kentay Amar lagu siiyay inay weeraraan dagmada badhan ee gobolka sanaag, taas oo ilo xog ogaal ah ay sheegayaan inay saraakiishan u cuntami waysay.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here