Rag hubeysnaa ayaa xalay Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen Nabadoon si weyn loogu yaqaanay Degmadaas.
Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Sagaalaad ee Degmada Afgooye, oo uu ku sugnaa Nabadoon Qaasim Xaaji,waxaana goobta ka baxsaday kooxihii ka dambeeyay dilka.
Ilaa haatan lama oga sababta loo dilay nabadoonkaan,balse dilkaan ayaa qeyb ka ah dilalka ka dhaca Dalka.
Dhanka kale Maamulka Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan dilka

