Tan iyo burburkii dowladii dhexe ee soomaaliya waxaa dalalka caalamka gaaray soomaali aad u badan kuwaasi oo ka cararay colaada,Abaaraha,faqriga iyo Amni darada dalkooda ka jirta, si ay u helaan nolol ka wanaagsan tii ay ku heysteen Soomaaliya.
Dalka mareykanka waxa uu ka mid yahay dalalka ay soomaalidu sida wayn uga badantahay gaar ahaan magaalooyinka Minnesota iyo minneapolis.
Magaalada minneapolis waxaa ku soo badanaya dilalka ay isku geystaan dhalinyarada soomaalida ah, bishii aan soo dhaafnay ee may waxaa lagu dilay uga yaraan 8 dhalinyaro soomaali ah kuwaasi oo iyaga isku dilay tooreeyo.
Dilkii uga dambeeyey ayaa habeen ka hor loo geystay Allaha u Naxriistee Xasan ibraahim 26 sano jir ahaa kaasi oo ay dileen dhalinyaro tooreeyo ku hubeysan oo soomaali ah.
Waaladiinta ku nool mareykanka ayaa aad uga cabsi qaba dilalkaan soo badanaya iyo shaqo la,aanta caruurtooda,taasi oo ay sabab uga dhigayaan dilalka kusoo badanaya magaaladda minneapolis ee dalka mareykanka.
Imaamada masaajidada magaalada minneapolis ayaa waaladiinta soomaalida ku booriyey in ay carruurtooda ka warqabaan si ay uga bad baadaan dhibatooyinka ka taagan mareykanka.
Sidoo kale dalka ingiriiska ayaa kamid ah dalalka ay kusoo badanayaan dilalka ay isku geystaan dhalinyarada soomaalida ah iyadoo taasi waaladiin badani ku qasabtay in ay carruurtooda ka dhoofiyaan wadanka UK.

