Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo Miino oo dhulka lagu aasay oo lala eegtay goordhaweyd gawaari dagaal ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Malatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay Duleedka Degmadda Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Gaariga la qarxiyay ayaa kasoo tagay Saldhig Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin haansheekh,wuxuuna ku wajahnaa kontorool kale oo ku yaalla halka loo yaqaano Ceelka Geelow oo u dhow deegaanka Qalimow,waxaana la socday gaariga Sarkaal lagu Magacaabo Cali xuubey, oo ka tirsan Ciidamadda Malatariga Dowladda Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay 1-askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaliya sidoo kalana waa ku dhaawacmay labo kale,waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas fara badan.
Dhanka kale Ciidamo kale oo ka Tisan kuwa Dowladda Somaaliya oo gurmad ahaan ugu soo socday ciidamadda la qarxiyay, ayaa ayagana lagu qarxiyay Tuulada Gololeey balse ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay.

