Canadda oo Shiinaha Kala Hadlaysa Sii Deynta Labo Muwaadin oo Uga Xiran Dalkaasi.

0

 

aDowladda Canada ayaa dooneysa in Shiinaha ay la gasho wadahadallo lagu sii deynayo labo muwaadin oo uga xiran dalkaasi.

Canada waxa ay dooneysaa inay wadahadal kala gasho Shiinaha xariga labada muwaadin oo lagu eedeynayo inay wax u dhibayeen ammaanka Shiinaha, balse dowladda Shiinaha ayaa taas ka biyo diidan ayey sheegtay waziirka arrimaha dibadda Canada Chrystia Freeland.

Waziiradda oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay inay sii wadi doonan isku dayada ku aadan wadahadalladan guddi ay dowladdu magacowday.

Michael Kovrig iyo Michael Spavor ayaa lagu xiray Shiinaha bishii December kadib markii ay dowladda Canada xirtay haweneyda madaxda ka ah shirkadda Huawei ee lagu magacaabo Meng Wanzhou.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here