Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika AMISOM ayaa qarax miino oo dhulka lagu aasay waxaa lagula eegtay saakay Isgoyska Ex-control Balcad ee magaalada Muqdisho.
Jugta qaraxa ayaa laga maqlay meelo kala duwan,waxaana qaraxa kadib Ciidmadda AMISOM ay fureen rasaas fara badan.
Qof kamid ah dadkii ka sugnaa goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa idaacadda Simba u sheegay in qaraxa uu ahaa mid goobta ku aasnaa,islamarkaana ciidamadda AMISOM ay fureen rasaas fara badan.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaan Ciidamadda AMISOM Lagula eegtay Isgoyska Ex-control Balcad ee magaalada Muqdisho.
Al-shabaab ayaa inta badan sheegta Mas’uuliyadda qaraxyada AMISOM lagula eegto Duleedka Magaaladda muqdisho.

