War Deg Deg:-Ardey Maanta u Fadhiistay Imtixaanka Puntland oo Galabta La Dilay

0

Wararka ka imaanaya Magaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Galabta Xaafadda Al-raxma ee Magaaladaas lagu dilay Wiil arday ah.

Wiilka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allah u Naxriiste, Sulaymaan Maxamed Bootaan oo kamid ahaa Ardaydii maanta u fariisatay Imtixaanka Fasalka sideedaad ee dugsiga Dhexe.

Wariye Maxamed C/laahi  Cali oo kamid ah Wariyayaasha magaaladda Boosaaso ayaa idaacadda Simba u sheegay in rag hubeysnaa ay fuliyeen dilka loo geystay wiika ardey-ga ahaa islamarkana ay goobta ka baxsadeen.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka loo geystay ardeyga.

In ka badan 15,800 oo arday ayaa maanta oo Sabti imtixaanka shahaadiga ah u fariistay 106 xarumood oo ku yaalla guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Puntland.

Ardayda oo ka kooban fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4aad ee dugsiyada sare degaannada Puntland ayaa saakay wakhti isku mid ah u fariistay imtixaanka guud ahaan sagaalka gobol ee Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here