Qaramada Midoobay oo Sheegtay in Shabaab Qaraxyadda Ku Sameystaan Gudaha Soomaaliya

0
Xoogag katirsan Xarakada Al shabaab

Dagaalyahanada Al shabab ee ka dagaalama Somalia waxa ay qaraxyada ku sameeyaan gudaha Somalia sida laga soo xiganayo warbixin ay leedahay Qaramadda Midoobay oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Weerarada qaraxyada ah ee Al Shabab ayaa ah kuwa dhaliya dhimasho iyo dhaawac fara badan, waxaana intaas sii dheer bur bur xoogan oo soo gaara goobaha ay weeraradaas la beegsadan.

Koox khubaro ah oo ka socoto hey’adda ka hortagga miinoyinka ee Mine Action iyo hey’ado kale oo hoos yimaado QM ayaa baaritaano ku sameeyey qaraxyo loo adeegsaday gawaari oo ka dhacay Somalia dabayaaqadii sanadkii hore ee 2018 iyo bilowga sanadkan 2019.

Maaddooyinka kala duwan ee laga sameeyo qaraxyada ayey sheegeen in ay u badan tahay in aysan helin Karin AL-shabaab, haddana marka la weeraro meelaha ay ku suganyihiin AL-Shabaab laga helo maaddooyinka halista ah ee laga sameyn karo qaraxyada sida ammonium nitrateama  potassium nitrate kuwaas oo loo adeegsan karo bacriminta walaxda qaraxyada.

Inta badan warbixinta waxaa lagu xusay in Al-shabaab adeegsadaan Rasaasta Hoobiyaha, biraha, iyo haraadiga qoryaha waaweyn.

Tusaale weerarkii Soobbe ayaa warbixinta lagu sheegay in loo adeegsaday ugu yaraan 600 oo qalfoofta rasaasta Hoobiyaha ah, haraadiga qalfoofta qoryaha waaweyn iyo maaddooyin kale oo la isku daray.

Kooxdu waxa ay sheegtay in gudaha Somalia ay Al Shabab ka fuliyeen ku dhawaad 20 weerar oo ah qaraxyada gawaarida loo adeegsado tan iyo bishii July sanadkii 2018.

Qaramada Midoobay ma aysan soo bandhigin magacyada iyo macluumaad ku aadan kooxdan baaritaanka sameysay.

Arrintan ayaa dhabar jab ku ah dadaallada ay wado beesha caalamka ee lagu dabar jarayo Al Shabaab, dadaallada ugu badan ee lagu dabar jarayo Al Shabab waxaa fuliya Mareykanka oo duqeymo la beegsado saldhigyada Al Shabab ee koofurta, bartamaha iyo waqooyiga Somalia.

Wakaaladda wararka ee Reuters waxa ay sheegtay in dowladda Somalia iyo Amisom oo ay xiriir la sameysay ay gaabsadeen ka hadlidda arrintan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here