Sarkaal Ka Tirsanaa Al-shabaab oo Isku Soo Dhiibay Dowladda Soomaaliya

0

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsanaa dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

Magaca Sarkaalkaan ayaa lagu sheegay Siidow Cabdi Geedi Siidow (Mayiika),wuxuuna shabaab ka Tirsanaa muddo sanado ah,waxaana maanta lagu soo bandhigay Magaaladda kismaayo.

Siidow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in caadis badan uu kala kulmay Shabaab,sidaana ugu soo goostay.

“Al-shabaab waxaan ka tirsanaa muddo ka badan todoba sano, waxaan ka soo dagaalamay meelo badan sida Muqdisho, Shabeelaha hoose, Bay, Bakool, Jubooyinka iyo meelo kale oo badan” ayuu yiri Siidow

Dhanka kale Maxamed Xasan Bedel (Cabdi xukun) Taliyaha guutada 11aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ninkan uu xiriir la soo sameeyey inta uusan soo baxsan, ayna markii dambe u direen ciidamo ka soo kaxeeyey degaanka Baar-sanguuni oo lagu balamiyey.

“Waxaa uu ka mid ah Al-shabaabkii sidan xun u burburiyey qeybo ka mid ah dalka, balse maadaama madaxda dalku ay cafis u fidiyeen cid kasta oo ka soo baxda argagaxisada, haatan waxba looma heysto, maadaama uu ka mid ahaa dhalinyaradii la marin habaabiyey, waxaana loo sameyn dhaqan celin” ayuu yiri taliyaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here