Askari Muqdisho Ku Dilay Bajaajle Isbitaal U Waday Haweeney Fool Aheyd+Sawirro

0

Askari ka Tirsan Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay Magaaladda Muqdisho ku dilay Darawal mooto Bajaaj.

Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Seybiyaano Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.

Bajaajlaha la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Maxamed Cabdullahi Xasan,wuxuuna ahaa wiil dhalinyaro ahaa oo ka shaqeynayay wadista mooto Bajaajka.

Qof kamid ah Eheladiisa ayaa idaacadda Simba u sheegay in Maxamed oo jiifa ay hurdada ka kaciyeen dad daris la  ah si Mootadiisa ugu qaado Haweeney Fool aheyd xiligaa.

“ Wiilka la dilay waxaa lagu magacaabi jirey Maxamed Cabdullahi Xassan, Xaas ma laheyn xalay sagaal saac waxaa hurdada ka kiciyay dariska si uu u qaado Haweeney fool aheyd uuna u geeyo isbitaal, wuxuu kasoo baxay jaamacadaha uu gurigiisa ahaa asaga oo marayo inta u dhaxeysa beerta jaadka iyo seybiyaano ayaa waxaa luuq ugu soo baxay nin sita  dharka booliska somaliya markey mootada la siman tahay ayuu xabad ku soo riday waxeyna kaga dhacday madaxa mootadii shil ayay sii gashay”,ayuu yiri mid kamid ah Eheladiisa.

Ciiidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay dilalka ay u geystaan wadayaasha Mooto bajaajka Gudaha magaalada Muqdisho,mana jirto cid isku howshay sidii loo yareyn lahaa beegsiga Bajaajleyda.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here