Baarlaamanka Soomaaliya oo Kulan Ku Yeelanaya Xarunta Golaha Shacabka

0

Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya Xaruntooda Magaaladda Muqdisho.

Kulankaan ayaa noqonaya kulankii 15-aad kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka 10-aad.

Ajendaha kulanka ayaa ah 3 qodob.

1.U codeynta heshiiska caalamiga ah ee naafada.

2.Warbixinta Khasaarooyinka loo geystey shirkadaha Hormuud iyo Somtel.

3.Akhrinta labaad wax ka bedelka sharciga Saxaafadda.

Habdhowrka Baarlamaanka Federaalka Somaaliya ayaa idaacadda Simba u sheegay in ajandaha sida gaarka ah loo falanqeyn doono uu yahay warbixinta khasaarooyinka loo geystey shirkadaha Hormuud iyo Somtel.

Arintaan ayaa kusoo aadaysa xili Ciidamadda Dowladda Kenya ay mudooyinkii dambe kordhiyeen burburinta shirkadaha Isgaarsiinta dalka kuwaasi oo xarumo ku leh Goboladda Jubooyinka iyo Gedo ee Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here