Ciidamadda Dowladda oo Qabtay Ragg Maalmihii Dambe Dilal Geysanayay+Dhageyso

0

Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay gacanta ku dhigay Kooxo hubeysnaa oo maalmihii dambe dilal ka geysanayay Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wariyaha idaacadda Simba ee Degmada Afgooye C/naasir OK ayaa kusoo waramaya in howlgal qorshaysanaa xalay laga sameeyay Degmadda,islamarkaana raggan lagu soo qabtay.

Ragga la qabtay ayaa Degmada Afgooye ka geystay falal lagu khaarijiyay mas’uuliyiin iyo dad shacab ahaa.

Dhanka kale Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ragga la qabtay loo gudbin doono Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here