Xildhibaan oo Sheegay in Shabaab Gudaha Muqdisho Canshuur Ku Qaadaan+Dhageyso

0

C/risaaq Cumar Maxamed oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, marna soo noqday wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay amniga Magaaladda muqdisho.

Waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha amaanka ay ku fashilmeen amniga magaalada mudqisho,islamarkaana wadooyinka haatan la xiray aan amni lagu sugi karin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Dagaalyahanada Xarakadda Al-shabaab ay awood badan ku yeesheen gudaha Magaaladda,islamarkaana xiliyadii hore ay dadka u wici jireen balse haatan Muqdisho dhexdeeda canshuur ku qaadaan iyagoo aan cabsi dareemaynin.

Xildhibaan C/risaaq ayaa dhanka kale sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay caburin ku hayso Xildhibaanadda ka arakti duwan,islamarkaana ay sabtidii baajisay kulan looga hadli lahaa amniga Magaaladda Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here