Ciidamadda Amniga oo Muqdisho Ka Sameeyay Howlgal Guri Guri ah+Sawirro

0

Ciiidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay Magaaladda Muqdisho ka sameeyay Howlgal guri walba lagu baarayay.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay Xaafadaha Degmadda Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafadaha Nationlin, Oorfane iyo Xaafadda Baariyow ee Degmadaasi.

Mid kamid ah dadka Xaafadda oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in Ciidamadda guri walba ay galayeen islamarkaana qol walba baaritaan lagu sameyanayay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa ku dhawaaqay in xaalad amni oo la geliyey Magaalada Muqdisho

Yariisow ayaa sheegay in talaabadan ay ka dambeysay markii uu sii xumaaday amaanka  magaalada oo maalmihii ugu dambeeyey ay ka dhaceen qaraxyo badan oo dad badan ku dhinteen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here