Hogaanka Xarakadda Al-shabaab ayaa ka hadlay qaraxyadii iyo dilalkii maalmihii dambe ka dhacayay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Afhayeenka Al-shabaab Shiikh Cali Maxamuud Ragge(Cali Dheere), oo la hadlayay warbaahinta Shabaab ayaa sheegay in dagaalyahanadda Shabaab ay kordhiyeen dilalka iyo qaraxyadda ay ka fuliyaan Magaaladda muqdisho, bishaan Maarso.
Waxa uu sheegay in qaraxyadii ugu dambeeyay ee Magaaladda Muqdisho ka dhacay lagu dilay saraakiil iyo shaqaale ka tirsanaa Dowladda Federaalka Somaaliya.
Sidoo kale Afhayeenka Al-shabaab ayaa ka hadlay Sababta ay ciidamada Al-shabaab marwalba u weeraraan qaar kamida hotelladda waaweyn ee kuyaal magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in Hoteelo waa weyn ay Magaaladda Ku yaalaaan,islamarkaana aysan shabaab weerarin,balse hoteeladda la bartilmaameedsado ay yihiin kuwa waxyaabo xun lagu sameeyo.
Wuxuuna wacad ku maray in howlgallada ay dagaalyahanadoodu ka wadaan caasimadda ay sii xoojin doonaan ayna meel walba ku beegsanayaan askarta dowladda iyo ciidamada shisheeye.

