Al-shabaab ayaa degmadda Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya waxa ay galinkii dambe ee shalay ku toogteen afar ruux ay ku eedeeyeen Basaasnimo.
Maxkamadda Al-shaabab ee Jubbooyinka oo xukun dil ahaa ku xukuntay afarta nin ayaa sheegtay in ay u shaqeynayeen sirdoonno caalami ah iyo kuwa maxalli ah.
Halkaan Hoose ka Akhriso Magacyadda Ragga la Xukumay.
1-Aweys ismaaciil Aadan oo 25 sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya shaqada loo xilsaaray ayaa aheyd in uu gudbiyo lambarrada saraakiisha Shabaab si loo duqeeyo lacag ahaan wuxuu uqaatay 50 dollar
2-cilmi Warsame Cumar oo 22 sana jir ahaa wuxuu ushaqeynayay hay’adda lagu magacaabo PSU oo laga leeyahay dalka UK wuxuuna uqaabilsanaa in uu sawirro kasoo qaado deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan isagoo sidoo kale waxaa loo xilsaaray in uu diyaarado ku hago saldhigyada Shabaab intii uu shaqeynayay wuxuu qaatay lacag dhan 270 oo dollar.
3-Cumar Cabdullaahi Cabdi oo 28 sana jir ahaa wuxuu la shaqeynayay ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan gaar ahaan Jalalaqsi iyo Beled Weyne shaqadiisu waxay aheyd in uu diyaarado ku hago mas’uuliyinta wilaayada Hiiraan intii uu shaqeynayay wuxuu qaatay lacag dhan 477 dollar.
4-Maxamuud Abuukar Xaaji oo 25 sana jir ahaa wuxuu la shaqeynayay sirdoonka dowladda Federaalka ee PS-ta loo yaqaan waxay shaqadiisu aheyd in uu jaasuuso saraakiisha Al-shabaab ee Shabeelaha Hoose.

